Posts

Intu Qabtay Intuu Qoray Qalinkiisu Wuxu taray. Boobe Yuusuf Ducaale.

Image
Waxa Qoray: Sayid-Axmed Dhegay. Qofku inta uu noolyahay waxa habboon inuu ogaado kaalinta uu bulshada kaga jiro. Dabcan ma jiro qof odhan kara hebel waa uu wada saxanyahay. Maya, qof kastaa wax uu ku qaldanyahay baa jiri karta. Sidaa awgeed marka aad ka hadlayso qof waxqabadkiisa macnaheedu maaha inuu qofkaasi wax kasta ku qumman yahay. Intaasi waa uun iga afeef aan buddhig uga dhigayo qormadaydan kooban ee aan ku suntaday "Codkar dhiirran iyo Qalin Irmaan" oo aan tilmaan kooban kaga bixin doono Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale oo ku magac dheer BOOBE. Boobe waxa uu safka hore kaga jiraa inta wax qorta sebenkan aynu joogno. Wuxuu si gaar ah waxa uga qoraa arrimaha Siyaasadda, Fanka iyo Taariikhda. Waxa ka muuqata qoraaladiisa waaya-aragnimada ballaadhan ee uu u leeyahay arrimaha uu wax ka qoray ama uu fagaarayaasha kaga hadlay. Inbadan baan magaciisa maqlayey, aragtina kollay malaa dhawr jeer waan arkay oo ay ka mid ahayd mar uu Stockholm noogu yimi dhammaadkii sagaashan...

taariikh-nololeedkii Xuseen Sh. Axmed (Kadare)

Image
Posted by:  somaliwi   in  Aqoonyahan January 20, 2017 Comments Off on taariikh-nololeedkii Xuseen Sh. Axmed (Kadare) 1,034 Views Magaalada Muqdisho waxa  ku geeriyoodey Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ah qorayaasha waaweyn ee Soomaaliyeed, hadaba waxa aan halkan kusoo koobeynaa sooyaalka taariikheed ee marxuumka oo raad muuqda ku reebey Soomaaliya. 80-tan  jirka geeriyooday waxaa lagu xusuutaa dadaalkii uu u galay qoraalka Farta Soomaaliga iyo in Soomaaliya yeelato far u gaar ah, waxaa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka Farta Soomaaliga, waxaa uu sidoo kale xubin fir fircoon ka ahaa guddigii ku guuleystay qoraalka Soomaaliga, hawshaasi oo uu u igmaday golihii sare ee kacaanka taariikh marka ay ahayd 21 January 1971. Kadare Waxaa uu ka mid ahaa dadkii sameeyay far uu gaar u leeyahay wixii ka horeeyay 60-kii, waliba waxaa uu dagaal iyo dadaal u galay in fartiisa ay noqoto midda Soomaalida isticmaasho. Markii ugu horeysay Qoraalka Far Soomaaliga e...

Aaskii Sanyare iyo Aqoon Durugsanaantii. Waayihii Nololeed ee Prof. Cali Ibraahin Sanyare.

Qoraalka waxaa Diyaariyey AqoonYahay Ahmed Mohamed Diría Cige (Ahmed Torno) 1. Dhalashaddii iyo Dhalaanimaddii Marxuum Cali Ibrahim Maxamed Marxuum Cali Ibrahim Maxamed, magaaladda Hargeysa ayuu ku dhashay gu'gii 1944kii; halkaasoo uu ku hanaqaaday. Dhalimyaranimaddiisiii oo la sheegay inuu aad u firfircoonaa, wuxuu kaalin muuqata kaga jiray ciyaaraha iyo is-dhex-galka bulshadda. Marxuum Cali Sanyare, waxaan xusuusanahay maalin uu ka sheekaynayay berrigii uu yaraa inay Hargeysa ka jireen laba kooxoond oo kubbada cagta ciyaari, oo uu isagu Gudoomiye u ahaa labbadda kooxood midkood, oo aan filayo inuu magaceedu ahaa Xidigaha Hargeysa (Hargeisa Star Club). Ilaahay ha u naxariistee Cali Ibraahim Maxamed, wuxuu ahaa Gudoomiyihii Ururkii Dhalinyarada Somaliyeed ( President of Somali Youth Organization- SYO); oo 1960maadkii laga abaabulay magaalada Hargeysa, ka dibna uu marxuumku ku ku fidiyay dhulweynaha Soomaalidu degto ee Geeska Afrika oo uu ururkaasi ku yeeshay 37 laamood. 2...

Miidii Fankeeniyo Maskaxdii Gubaada: Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub)

Image
Maxamuud Cabdilaahi Ciise oo loo yaqaanay Sangub wuxuu ku dhashay gobolka Dhagax-buur ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia sanaddii 1944. Isla degaankaa ayuu kusoo barbaaray waxbarashadii Qur'aankana ka galay. Intii aanu fanka ku biirin wuxuu caan ku ahaa ciyaar dhaqameedka dhaantada, Sayliciga, iyo Walasaqada Oo aan lagaga daba dhufan jirin. Mar uu ka hadlayay naanaysta uu caanka ku yahay iyo siday ugu baxday wuxu yidhi “Aniga oo yar aayaan dab ku dhacay oo ka gubtay sinta markaa waxa la ii bixiyay Singub waagii danbe ee aan magaalada imi dadku waxay u bedeleen Sangub oo caan noqday". Singub wuxuu isir ahaan kasoo jeeda qoys suugaaneed, wuxuu ka hidda qabaa gabyaagii waynaa ee Af-low oo abti u ah aabihiina wuu gabyi jiray. Waa waddani  Amxaarada iyo gumaystasha kaleba neceb. Sida uu sheegay Maxamuud Cabdilaahi Ciise waa ninka ugu riwaayada iyo heesaha badan hal-abuurkii fanka. Waxaa uu  leeyahay riwaayadaha iyo heesaha ugu caansan ee loogu jecel yahay fanka. Sana...

Maxaad Ka Taqaanaa Abwaanka Wayn ee Somaaliyeed XASAN XAAJI CABDILAAHI (XASAN GANAY)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay    ku beegnayd    xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta.  Xilli ku beegan 1966 ayuu Xasan u wareegay dhanka geerashyada, isagoo ka shaqayn jiray geerashkii ay Xaaji Dool iyo Cabdi Giirshe wada lahaayeen. 1967, ayuu abwaan Xasan ku biiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya ee Kamaandoosta loo yiqiinay. Wakhti ku beegan 1970 ayuu si rasmi ah ugu biiray kooxdii baamboyda    iyo kooxdii Janan ...