Miidii Fankeeniyo Maskaxdii Gubaada: Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub)




Maxamuud Cabdilaahi Ciise oo loo yaqaanay Sangub wuxuu ku dhashay gobolka Dhagax-buur ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia sanaddii 1944. Isla degaankaa ayuu kusoo barbaaray waxbarashadii Qur'aankana ka galay. Intii aanu fanka ku biirin wuxuu caan ku ahaa ciyaar dhaqameedka dhaantada, Sayliciga, iyo Walasaqada Oo aan lagaga daba dhufan jirin. Mar uu ka hadlayay naanaysta uu caanka ku yahay iyo siday ugu baxday wuxu yidhi “Aniga oo yar aayaan dab ku dhacay oo ka gubtay sinta markaa waxa la ii bixiyay Singub waagii danbe ee aan magaalada imi dadku waxay u bedeleen Sangub oo caan noqday".


Singub wuxuu isir ahaan kasoo jeeda qoys suugaaneed, wuxuu ka hidda qabaa gabyaagii waynaa ee Af-low oo abti u ah aabihiina wuu gabyi jiray. Waa waddani  Amxaarada iyo gumaystasha kaleba neceb. Sida uu sheegay Maxamuud Cabdilaahi Ciise waa ninka ugu riwaayada iyo heesaha badan hal-abuurkii fanka. Waxaa uu  leeyahay riwaayadaha iyo heesaha ugu caansan ee loogu jecel yahay fanka.

Sanadii 1961 ayuu usoo wareegay magaalada Hargaysa, markii Hargaysa uu yimi waxa gacan-qabtay oo fanka qoray Abwaankii waynaa Maxamed Cumar Huryo. Sidaas ayaanu ku noqday shaqaalihii Idaacadda Hargaysa. 1962 ayay ahayd markii uu ka amba-baxay Hargaysa ee uu u wareegay Muqdisho. Halkaasna radio Muqdisho ayuu tartan u galay kuna guulaystay. Aan idinla wadaago qayb kamid ah gabaygii uu tartanka ku galay iyo siduu dareenkiisa ugu cabiray waayihii horyaalay!.

Habluhu waagi hore waayaday hadal yaraayeene.
Waakuwii harraadkiyo dhibkiyo hawsha kululaaye
Ee lagu hawoon jiray intoo hadhac la oo-taaye
Maantana dar wada haadhayoo hoogaybaa jire e'
Intay gacanta kuu haadiyaan yay ku hodayaane 
Bal inuu hanaankii lumay oo la is halaagaayo
Ama aan wixii hore lahayn haatanba oogaada

Hantideenu maalKuu ahyd oo lahayn jiray
Hadhuub caano iyo waayadaad hilib cunayseen
Waatii martida ay hordhigayeene waxad helayseene
Hindisuhuna waa kuu ahaa magac hooye
Maantana hudheelaa jiroo lagu hagaagaaye
Shaah dabinta kaa hoorayaa hiirti loo bixi e'
Bal inuu hanaankii lumay oo la is halaagaayo
Ama aan wixii hore lahayn haatanba oogaada

Hangoolka iyo gudintaa ahaa heensihii wacan
Maantana wax sida haadaloo hawlabaa jira
Hubka samada aadiyo bambaa la isku huriyaa
Sabariin badaa hoos maroo heedalaa kacay
Haydroo injiinta iyo madfacaa la is haleelsiin
Bal inuu hanaankii lumay oo la is halaagaayo ama wixii hore lahayn haatanba ogaada.

Hadii uu muddo ka tirsanaa radio Muqdisho waxa dhacay dagaalkii Somalida iyo Xabashida, Singub wuxuu ku biiray ciidanka xoogga dalka, wuxuu ka dagaal galay oo ku dhawaacmay sooh-dimaha Ina Guuxaa.


Riwaayadii ugu horraysay ee uu wax ka jilay waxa lahaa Cali Sugulle Dun-carbeed AHN. Waxa la odhan jiray (Hooseeye saraw hanuunintaa). Abwaanku wuxu bilaabay falkinta riwaaydaha sanadii 1965. Waxa gacan wayn iyo caawin walaal ka gaystay Abwaan Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan Askar). Riwaayadii ugu horraysay ee uu sameeyay Abwaan Singub waxay ahayd «Galabta Galinka Naga Guur»  waa farriin uu u diray gumaystihii Ingriiska. Heestii ugu horaysay ee uu sameeyo Abwaanku iyo codkii Saynab Xaaji Cali Baxsan aynu ku nasano:

Dantayday cuslaysoo
Cid wax saaran maayee
Anigoo carruuraa
Caasha la igu beeree
Waan ka caagi waayee
Cimri iguma laabnee
Cirradiyo jacaylkii
Caaway igu kulmeene.

Lowyada cuskadayoo
Caga jiiday maantee
Cudurbaa igalyoo
Caafimaadi maayee
Caarada cusleediyo
Cidlaan weheshadaayo
Cirradiyo jacaylkii
Caaway igu kulmeene.

Carrabkiyo gawskii
Wax calaalon maayoo
Ceeb aan ii dhawayn iyo
Inan calmadaayo
Caloosha iyo laabta
Culuqbuu ku reebee
Cirradiyo jacaylkii
Caaway igu kulmeene.

Maxamuud Cabdilaahi marka laga yimaado curinta wuxuu ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee hibada ilaah u siiyay inay buuxiyaan kaalin kasta oo faneed. waa mulaxan,  jillaa iyo abwaan. Isla sanadkaa 1965 wuxuu allifay riwaayad kale oo ahayd Lamood Noqonse-wayday. Oo ay ku jireen sida geel horwayno ku haraaday oomane iyo Sabaalo oo ay wadaagayeen Baxsan iyo Cali Diiriye.

Riwaayaha kale ee sameeyay abwaanku waxa ka mid ah Geel xero Kadidis, Ninka Xiiqay ha joogo, Yaxaas Dhega Duub, Xuudbaa liqay Jacaylka, Xuskii Jacaylka, Qabrigii Jacaylka, Waa Maadays Aduunyadu Aduinyadu Dadkuna Wuu Metelayaa, iyo riwaayaddii ladhka iyo dareenka ummadda gilgishay waa riwaayaddii kacaanka lushay waa Xorriyo. Kuma se wadin oo abwaanku gumaystihii ayuu ka metelayay. Nabar xaqdarro oo nonqday nabar xaqiiqo.

 Intii waddanku burburay wuxu curiyay Qabyo1, Qabyo2, iyo Ambiil oo aan wali la dhigin. Heesaha waddaniga ah ee Singub caanka ku yahay waxaynu ka xusi karaa, shirkii midawga africa 1973 iyo Afrikaay Hurudooy waa luuqdii baxsanayd ee Xaliimo Khaliif Cumar Magool.

Hoheey afrikaay hurudooy
Cadaw ku heeryee hurudooy
Halyayadaadi hurudooy
Haamaa lasaaraaa hurudooy 
Hayin sidiisa hurudooy
La hogaaminaayaay.

Dulli lama hilaabtee 
Awaay hanadaadii
Doqonbaa habawsane
Waligeed hallaysane
Sida xoolihiibaa 
Xero nalagu hooyaa.

Habeena badanbaan hurudooy
Hamuun ku seexdoon hurudooy
Hirtaayo awgeed hurudooy
La hadli waayee hurudooy
Caanii hashaydaan hurodooy
Haleeli waayee hurudooy
La iga horjoogaa.

Dulli lama hilaabtee
Aaway hanadaadii
Doqonbaa halowsane
Waligeed habwsane
Sida xoolihiibaa
Xero nalagu hooyaa.

Maxamuud Cabdilaahi Ciise Singub wuxu ahaa tababare faneed oo soosaaray mudankii hobolada Waaberi. Heesaha waddaniga ah ee aan midab door-soomin waxa ka mid ah Afrikay Ismaqaloo Midab Gumaysi Diida. Waa miidii iyo maskadii Singube aynu milicsano riwaaydii qarniga liici wayday waa Qabrigii Jacaylka iyo xidigihii Saynab Cige iyo Salaad Darbi. Qaran iyo qurbaba waxa ladhigay sadex boqol oo habeen in ku dhaw. Mar uu ka hadlayay Abwaanku wuxu yidhi:
Qabriigi jacaylka waa riwaadii iigu lacagta badnayd, BBC-du waxaabay u bixisay Qabrigii lacagta, waxaan dhignay 282 habeen gudo iyo dibedba”. 

Qormadan waxay ku af-meeraynaa luuqdii talantaaliga ahayd ee Salaad Maxamed Shardi iyo Saynab Cige Maxamed.

Saynab:
Cirradiyo jacaylkii
Kal caagaanaan jiray
Anaa caawa labadaba
La cawysanaayee
Waxaad cidhib ku leedahay
La cawaysanaysaa
Halka laga ciyaaree.

Wallee ciirsigaygoow
Calaf iyo wad mooye
Midkaleba ma caashaqo.

Salaad:
Cashadaynu kulanaa
Cirka roob ka da'ayoo
Cawo dhalad inaad tahay
Cindigayga galiyee.

Sida calanka keena ah
Cadaankiyo buluuga leh
Cidhifka isa saaraa.

Wallee canab lamoodayaay
Cilmo iyo wadmooyee
Kuma talin wax caashaqa.

Saynab:
Carrabkiyo indhaha iyo
Calooshaad dhex mirataa
Cadawbaad ku noqotoo
Hawlo aad ku curisee.

Kalgacaylka ciidami
Cusleeyoo ogsoonow
Ana yaanu ceebayn.

Wallee ciirsigaygow
Calaf iyo wad mooyee
Mid kaleba ma caashaqo.

Salaad:
Sida coodankii bari
Ama ciidi jarareed
Cirka ubax ku yaalloo
Cadarkii danoodaay

Cosob deegaan ahaayoo
Laga goynin caarada
Carfigiisa leedee.

Wallee canab la moodyaay
Cimri iyo wad mooyee
Dumar kale ma caashaqo.

Qormadani waxay ka tahay sugaanta faneed ee Abwaan Singub irbad lagu riday badwayn. Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub) wali wuxu ku hawlan yahay siduu usoo saari lahaa ciddii bedeli lahyd, oo kama nasan habeen dhiirigalinta dhalinta iyo kobcinta fanka. Wuxu ku nool yahay magaalada Muqdisho, Cimri dheer iyo caafimaad san ayaynu ilaahay uga ra jayanaynaa. Aakhirana janada isaga iyo dadkii kale ee fanka soo gardaadiyay.

Qalinkii: Sidik A. Sudi (Saryan)
E-mail: saryan22@outlook.com.


Comments

Popular posts from this blog

taariikh-nololeedkii Xuseen Sh. Axmed (Kadare)

Hal-qabsiga Qaraamka