Aaskii Sanyare iyo Aqoon Durugsanaantii. Waayihii Nololeed ee Prof. Cali Ibraahin Sanyare.

Qoraalka waxaa Diyaariyey AqoonYahay Ahmed Mohamed Diría Cige
(Ahmed Torno)

1. Dhalashaddii iyo Dhalaanimaddii Marxuum Cali Ibrahim Maxamed

Marxuum Cali Ibrahim Maxamed, magaaladda Hargeysa ayuu ku dhashay gu'gii 1944kii; halkaasoo uu ku hanaqaaday. Dhalimyaranimaddiisiii oo la sheegay inuu aad u firfircoonaa, wuxuu kaalin muuqata kaga jiray ciyaaraha iyo is-dhex-galka bulshadda. Marxuum Cali Sanyare, waxaan xusuusanahay maalin uu ka sheekaynayay berrigii uu yaraa inay Hargeysa ka jireen laba kooxoond oo kubbada cagta ciyaari, oo uu isagu Gudoomiye u ahaa labbadda kooxood midkood, oo aan filayo inuu magaceedu ahaa Xidigaha Hargeysa (Hargeisa Star Club).

Ilaahay ha u naxariistee Cali Ibraahim Maxamed, wuxuu ahaa Gudoomiyihii Ururkii Dhalinyarada Somaliyeed ( President of Somali Youth Organization- SYO); oo 1960maadkii laga abaabulay magaalada Hargeysa, ka dibna uu marxuumku ku ku fidiyay dhulweynaha Soomaalidu degto ee Geeska Afrika oo uu ururkaasi ku yeeshay 37 laamood.


2. Sooyaalkiisa Waxbarasho, oo dheeraa, balse lagu xusi karo

Waxbarashaddii marxuum Cali Ibraahim Maxamed oo uu bud-dhige u ahaa walaalkii Marxuum Axmed Ibrahim Maxamed, oo ku magac dheera Af-qaraf; oo ka mid ahaa Golihii Deegaanka ee ugu horeeyay ee ay magaaladda Hargeysa yeelato; wxaynu ka xusi kara

• Waxbarashaddii Hoose/Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiyaddii Reece Primary School ee iyo Sykes Thompson Primary School ee magaaladda Hargeysa oo maanta loo kala yaqaano Sheekh Cali Rooble iyo Axmed Guray.

• Dugsigii Sare wuxuu qaatay Mac-hadkii Maamulka iyo Maaraynta ee loo yaqaanay Somali Institute of Public Administration (SIPA), ee magaalada Muqdisho.

• Shahaadda Jaamacadda ee Heerka Koowaad wuxuu ka qaatay Northeastern Illinois University ee magaaladda Chicago ee gobolka Illinois ee dalka Maraykanka, isaggoo ku takhususay Maamulka Dawladda (Bachelor degree on Public Administration).

• Shahaadda Jaamacadda ee Heerka Labaad (post-graduate degree) ayuu ka dhameeyey Institute of Social Studies (ISS) ee ku yaala magaalada HAYG ee dalka Holland

• Waxaa kale oo tababaro oo kala duwan ka kala qaatay jaamicado kale oo ay ka mid ahaayeen Harvard University. Wisconsin University iyo Missouri University ee dalka Maraykanka, isagoo ku qaatay takhasusyo kala duwamn oo kala ahaa Maamulka Shaqaalaha (Labor Management), Maamulka iyo Maaraynta Shirkadaha (Cooperative management), iyo Hormarinta Bulshadda (Community Development). Waxaa kale oo uu maadooyin kale oo waxbarasho ku soo qaatay dalalka Germany iyo Uganda
.3. Waayo-aragnimaddiisa oo qoto dheerayd waxaa laga soo qaadan karaa

• 1963kii ayuu bilaabay shaqada ugu horreysay Maxkamada Hargeysa, Isago noqday
Kaaliye Maxkamadeed.

• 1965kii waxaa loo bedelay xaruniia Wasaarada Cadaalada ee Soomaaliya ee ku taalay magaaladda Muqdisho, halkaas uu ka noqday Maamulaha Xafiiska Wasiirka Cadaalada ( Assistant in the Office of the Minister of Justice)

• 1971kii waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqadda ( Director of Labor Department) ee Wasaaraddii Shaqada iyo Isboortiga ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey; halkaasoo uu gadaalkiina ka noqday Agaasime Guud..

• 1975kii ayay xukuumaddii Soomaliya, ku wareejisay Ururka Midawga Africa (Organization of African Union, OAU); halkaasoo loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda ee Ururka Ururka Midaynta Shaqaalaha Afrika (Organization of African Trade Union Unity- OATUU) oo xaruntiisu tahay magaalada Akra ee dalka Gaana, ee galbeedka Afrika

• 1976kiina, waxaa loo doortay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Afrika oo hayaymuddo 14 sano ah.

• 1986kii ayuu Shirweynihii Caalamiga ahaa Ururka Shaqaalaha Adduunka (International Labor Organization-ILO) ee Ururka Qaramada Midoobay Marxuum Cali Ibrahim Maxamed u doortay XUBIN MUDAN ( Titular Member); oo kaga mid noqday 58ka ah ee saddexdii sanadoodba mar ay dalaka ILO xubnaha ka ahi u doortaan Golaha Sare ee Ururka Shaqaalaha Addunka ee ILO loo yaqaano oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

• 1990kii wuxuu Marxuum Cali Ibrahim Maxamed sarkaal sare ( Senior international Civil Servant) ka noqday Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), oo maamuleyaasha sare ee Geneva fadhiya ka mid ahaa muddo 8 sano ahaa

• 1998kii waxaa marxuum Cali Sanyare loo dalacsiiyey inuu noqdo Agaasimaha Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) ee Afrikada Bari ee xaruntiisu ku taalo Darasalaam, Tansaaniya; kaasooo ay hoos yimaadaan dalalka Somaliland, Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Tansaaniya. Jagadaas ayaa ugu dambaysay shaqadda Qaramadda Midoobay oo uu hawl-gab ka galay 31kii bishii July, 2006, halkaasoo uu dalkiisa ku soo noqday, soona degay magaalada Hargeysa.

Marxuum Cali Ibraahim Maxamed wuxuu ku guulaystay abaal marino caalami ah oo ay gu dambaysay, abaal marintii uu Ururka Shaqaalaha Adduunku siiyay, 2009 oo abaalmarintaa lagu gudoonsiiyay dalka Tansaaniya, xilligii Cali Sanyare Wasiirka Qorshaynta ka ahaa Somaliland, iyaddoo xarun cusub ee urur goboleedka ILO ka dhistay magaaladda Daarasalaam, Tansaaniya, loogu magac darray Ali Ibrahim Tower;

4) Sooyaalka Siyaasaddeed
• Bishii August 15dii, 2006, ayuu Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaasi,
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, uu u magacaabay marxuum Cali Ibraahim Maxamed Wiisrka Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga; iyaddoo ay magacaabistiisa si wadajira u soo dhaween xisbiyadda muxaafadka iyo mucaaradka ee Somaliland. Guulaha la taaban karo ee marxuum Cali Ibraahim Maxamed uu Somaliland u soo hooyay 2006-2010 oo uu Wasiirka Qorshaynta ahaa; oo aan halkan lagu soo koobi karin waxaa ka mid ahaa

o Qorshihii Dibudhiska iyo Horumarinta (Reconstruction and Development Plan- RDP) ee Somaliland oo uu marxuumku unkay oo ahaa curadka Qorshe horumarineed oo ay Somalialnd yeelato

o Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano Somaliland Development Fund (SDF) oo samayntiisa ku guuleystay intuu uu xilka Wasiirka Qorshaynta Qaranka hayey; ka dib markii uu beesha Caalamku ku qanciyay in Somaliland si toosa loo siiyo deeqaha horumarinta.


Sanduuqan maal-gelinta horumarinta oo ay halkii ka sii ambaqaadeen Wasiiraddi uga dambeeyay Wasaaradda Qorshayntu, mashaaraiicda wax-ku-oolka ah ee lagu maal-geliyay waxaynu ka xusi kara kuwan
✓ Dayactirka Waddada Hargeysa-Berbera-Burco
✓ Dhamaystirka Waddada Boorama-Kalabaydh
✓ Mashruuxa xoolo naaxinta ee Aroori
✓ Mashruuxa xoolo naaxinta ee Qoolcadday
✓ Mashruuca fidinta Beeraha ee Aburiin
✓ Mashruuca Kalluumaysiga Berbera
✓ Mashruuca horumarinta beeyadda ee gobolka Sanaag
✓ Balaadhinta biyo gelinta magaalooyinka qaarkood, sida caasimadda Hargeysa
✓ Mashaariicda caafimaadka iyo Waxbarashadda ee goboladda Sool iyo Sanaag;

         Aroori Livetsock Holding Ground               Aburiin AgriculturL Extension Projec

o Barnaamjyadda Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda (Public Finance Reform) iyo Tayaynta Shaqaalaha (Civil Service Reform) oo ay Wasaaradda Qorshayntu bilowday, balse ay maantaa gacanta ku kala hayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hayada Shaqaalaha Dawladdu

o Mudnaanta Horumarinta ee Gobollada Bariga oo uu heshiis kula galay hayadaha caalamiga ah

o Soo saaristii Siyaasadaha Isuduwida Deeqaha(Aid Coordination Policy) iyo Dabagalka mashaarricda (monitoring and Evaluation Policy), oo maanta lagu hago qaab-dhismeedka Isuduwidda Horumarka iyo qaadhaanka beesha caalamka (Somaliland Coordination System); iayddoo wasaaradda lagu abuuray Waaxda Isuduwida (Coordination Department)

o Xeerka Ururradda aan dawliga ahayn, iyo

o Tayaynta Wasaaradda Qorshaynta, sida Dhismaha Xarunta Wasaarddu maanta ku hawl gasho, xafiiskii Farsamo ee Horumarinta Dhaqaalaha (Macroeconomic Management Office); oo ahaa gacanta farsom ee wasaarradda u soo hoysay guulaha sare ku xusan; oo uu marxuum Cal Sanyare aasaasay, 2008; inkastoo xafiiskaasi meesha ka baxay, 2013.

• Dhismaha Waddooyinka Bulshaddu Maal-geliso ayuu marxuum Cali Sanyare ka hindisay Somaliland, sanadkii 2004 oo uu dalka booqasho ku yimi. Waxaanu ka bilaabay Dhismaha jidka loo yaqaano WADADA CAD ee isku xidha Hargeysa-Sallaxley-Ina Guuxa. Gadaalkiina Cali Maxamed Ibrahim wuxuu Gudoomiye u ahaa Gudiga Waddada Cad, halkaasoo ay bulshaddu maal-gelisay dhismaha 40km oo laami ah (Hargeysa-Qool CAday), iyaddoo uu gacanta ugu weyn ka geystay Ganacsade Cumar Caydiid. Qaab horumarineedkan bulshaddu maal-gelisaa waa astaan muujinaysa inay bulshaddu wax qabsan karto, oo aanu horumarku ku jirin in lagu teersanaado qaadhaan dhaqaale oo dalal kale ka yimaada. Ka dibna, waxaa dalkeena laag hir-geliyay waddooyin badan oo qaabkaas loo raacay, oo aan ka xusuusanahay
o Wadda Boorama-Dilla oo uu gahd-wadeen ka ahaa ururka ASERDA.
o Wadda Hargeysa-Baligubadle oo uu bud-dhige u ahaa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (NANAC), iyo
o Waddada Hawl-bawlaha u ah Somaliland ee Ina-Afmadoobe-Ceerigaabo; oo uu horseed ka ahaa Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Xirisi Cali Xasan iyo Agaasimihii ASERDA, oo gadaalkii ahaa Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Somaliland

Hargeisa-Berbera Rd  after SDF

Hargeisa-Berbera Rd  before SDF

Hargeisa-Sallahley Road

• Xisbiyadda siyaasadda; isagoo xubin firfircoon ka ahaa xisbigii UDUB ee taladda dalka hayay ayuu haddana xidhiidh wanaagsan lahaa xisbiyaddii mucaaradaka ahaa ee Kulmiye iyo UCID, isagoo ahaa siyaasi ruug cadaayaa oo qunyar socod ah oo loo soo wadda joogsado, marka loo baahdo maaraynta is-maan-dhaaf siyaasadeed oo dalka ka oogsadaay. Gadaalkiina wuxuu ka mid noqday hogaamiyeyaasha miisaanka iyo maamuuska ku leh, ee ka dhe muuqday xisbiga mucaaradka ah ee Wddani

• .Alla haw naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Maxamed Sharmarke(Cali Sanyare).Wuxuu ifka kaga tagay 9 qof oo kala ah xaas, sadex Caruura (Sharmaake, Ceebla, iyo Iido); iyo 5 Caruura oo oo uu Awaw u yahay.


ILaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo; halyaygaa Somalialnd ka baxay; eheladdii iyo asxaabtii, iyo qarankana ILaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo.


Aamiin, aamiin.

Comments

Popular posts from this blog

Hal-qabsiga Qaraamka

taariikh-nololeedkii Xuseen Sh. Axmed (Kadare)

Intu Qabtay Intuu Qoray Qalinkiisu Wuxu taray. Boobe Yuusuf Ducaale.