Aqoon-yahankii Dunida Soomaray (Aristotle)
Wuxuu ku dhashay degmada Stagira ee ku taal waqooyiga Giriirg. Ardaynimadiisii, aabihiis oo takhtar ahaa darteed ayuu wuxuu fursad u heley in uu barto qalliinka noolaleyda yar-yar ee caafimaadka lagu barto. Sanadkii 367 ch, wuxuu u socdaalay magaalada Athen si uu wax uga barto dugsigii Akadeemiya ee Plato uu fadhiyay. Ardeynimo ayuu ku galay dugsiga, mar-danbena macallin ayuu ka noqday. Barashada meeta-fiisikada iyo xisaabta ka-sokow, Plato wuxuu dhallinyarada siin jiray casharro la tababarro aqoonta siyaasadda ah iyo casharro ah gudbin waano iyo talooyin laa jeediyo dad madaxda ah. Waxbarashada caynkaas ah, Aristotle waxay siisay fursad ah in uu kamid noqdo la taliyayaasha Filip-kii II-aad oo ahaa boqorkii Makidooniya. Boqorkana wuxuu u doortay in uu macallin u noqdo wiilkiisa Aleksandar-kii waynaa.
Toddoba sano dabadeed, Aristotle wuxuu dib ugu soo laabtay Athen. Ujeeddadiisu waxay ahayd in uu ka furo dugsiisii ahaa Lyceum School. Magac kale oo dugsigan loo yiqiin wuxuu ahaa dugsiga socodleyda (Peripatetic School). Waxaa magacaas loogu bixiyay isaga oo markuu casharka bixinayo ardayda hortooda ku socon jiray. Dugsigan wuxuu khilaafay falsafaddii Plato oo waxay ballaariyeen fagaarihii cilmiga. Xikmad-yahannada islaamka ee ka shidaal qaatahy filosoofkan waxaa kamid ah Ibnu-Rushdi oo Aristotle ku magacaabay shiikhii filosofiinta. Ibnu-Rushdi oo ninkan tilmaamaya ayaa wuxuu yiri:
” Waxaan malaynayaa in Eebe uu qofkan u abuuray si uu ugu muujiyo burhaan iyo daliil la xiriirta quruxda aadamiga ”.
Aristotle, wuxuu ka tegey 150 kitaab oo uu ku soo ururshay aqoon dhamaanteed. Ma-jirin aqoon xilligaas la garanyay oo uusan ka hadlin oo weliba uusan si wanaagsan uga faalloon. Aragtiyo uu qabay oo ay filosofiin badan la qaateen ayaa waxaa kamid ahaa mushkiladaha falsafadeed ee lagu baadi-goobayo methafiisikada, taas oo uu ku tilmaamay in ay leeyihiin labo asaas oo saldhig u ah. Mid asalkeedu waa aqoon oo waxay af-jebineysaa qof walba oo inkiraad la yimaada. Asalkan ayuu u qaybiyay saddex (Walax jira, Sawirkeeda iyo Walax aanan jirin). Fahamkooduna waxaa leh ayuu yiri, kuwa aqoonta leh, maadaama walxuhu ay yihiin metaafiisik ku qarsoon dabiicadda. Aristotle, wuxuu uunka muuqatada ku tilmaamay har (hoos) naaqus ah, laakiin walaxdii dhabta ahayd in ay jiraan caalam kale. Wuxuu ahaa ninkii curiyay aragti aqooneed oo nin filosoof ah uu helo middii ugu cimriga dheereyd. Taasi waxay ahayd midnimada uunka (Unity of Universe). Xilligaas, dhadhaabyada bah-qorrexeedka ah, marka dhulka laga reebo waxaa laga yiqiin dhadhaabyo shan ah. Waxay ahaayeen Dusaa (Mercury), Waxara-xir (Venus), Farraare (Mars) Cir-jeex (Jubiter) iyo Raage (Saturn). Kuwaas oo la raacshay dhulka, qoraxda, dayaxa, xiddigaha badan oo muuqda iyo cirka oo lagu dedey, ayuu Arstotle wuxuu ku sheegey in ay yihiin kuwa matalaya uunka, isla-markaas ku shaqeeya xeer iyo hannaan mideysan.
Aristotle, wuxuu G & G ku sheegey in ay kamid yihiin walxaha uunka jira. Isagu wuxuu markaas ku daray 10-ka ooraah oo uu ku soo koobay in ayan ka marrayn wax-kasta oo uunka ka jira. 10-kaas ooraah oo loo yaqaan (Aristotles Categories), ayaa waxay soo dhex-gelayaan wax walba oo qof aadami ah uu ku fekero. Ooraahyadu waxay yihiin: Walax (Substance), Tiro (Quantity), Tayo (Quality), Xiriir (Relation), Goob (Space), Goor (Time), Mowqif (Position), xaaladda abuur (State of Habitus), ficilka (Action) iyo mixnadda (Affiction).
Tobankaas arimood ayuu ku tilmaamay in ay caqliga qofka ku xiriirinayaan hantida fagaagga taal. Sidaa darteed haddii uu qofku si wanaagsan u fekero, wuxuu ku gaarayaa xaqiiqada uunka ka jirta dhankii uu doono. Aristotle, in-kasta oo uu qadarin ku leeyahay aqoonta falsafadda iyo wax ka dhihiddeeda, misana waxaa la sheegaa in uu ahaa nin ku kaaftoomay caqliga oo aanan u dhaqaaqin tijaabooyinka aqooneed. Arimaha loo daliishado waxaa kamid ah in uu yiri, raggu waa uu ka ilka badan yihiin dumarka. Isagu xaas ayuu lahaa, gabdhona waa dhalay waana la dhasheen. Si uu arintaas u hubsado, waxaa ku fillayd oo keliya in xaaskiisa iyo gabdhihiisa uu ilkahooda tiriyo.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
Comments
Post a Comment