Hal-qabsiga Qaraamka

Waxaa qoray: Sakariye Yusuf Cigaal. " Cishqigu wa dabayl Dufaan wada oo Dinaha iyo saaran Deymada ee" Ugu horreyn, jiilkeenani waxay qaraami u yaqaan heesihii hore oo dhan; dhamidood waa inoo qaraami, haddiiba loo tumayo def iyo kaban, qaraamigu se waa ka duwan yahay hees-faneedda. Qaraamigu waxa uu ahaa heellooyin, heelladuna waa hees-ciyaareed la hayb ah dhaantada. Midhaha qaraamiga waxay qaafiyaddu kusoo noqotaa meeriskiiba labo-jeer; way se ka badan kartaa, tusaale ahaan: "Ideeqdoo aniga ii noqotee, anigu adigana ma kuu ahay." Waxaa magaca la siiyaa codadka kuwasoo mid waliba leeyahay baadisooc gaara sida Beerdillaacshe iyo raaxeeye, kadibna codadkaa ayaa hoobal waliba midho gaara ku luuqeeyaa. Cimriga qaraamiga waxa uu ku eekaa waagii ay curatay hees-faneeddu. Inta badan heesaha casriga ah waxa laga hal-abuuraa badda jiiftada, qaraamkuse bad ahaan waa heello. Intaa kadib waxa jira meerisyo heellooyin ah oo aad ugu dhex faafa...