Miidii Fankeeniyo Maskaxdii Gubaada: Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub)

Maxamuud Cabdilaahi Ciise oo loo yaqaanay Sangub wuxuu ku dhashay gobolka Dhagax-buur ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia sanaddii 1944. Isla degaankaa ayuu kusoo barbaaray waxbarashadii Qur'aankana ka galay. Intii aanu fanka ku biirin wuxuu caan ku ahaa ciyaar dhaqameedka dhaantada, Sayliciga, iyo Walasaqada Oo aan lagaga daba dhufan jirin. Mar uu ka hadlayay naanaysta uu caanka ku yahay iyo siday ugu baxday wuxu yidhi “Aniga oo yar aayaan dab ku dhacay oo ka gubtay sinta markaa waxa la ii bixiyay Singub waagii danbe ee aan magaalada imi dadku waxay u bedeleen Sangub oo caan noqday". Singub wuxuu isir ahaan kasoo jeeda qoys suugaaneed, wuxuu ka hidda qabaa gabyaagii waynaa ee Af-low oo abti u ah aabihiina wuu gabyi jiray. Waa waddani Amxaarada iyo gumaystasha kaleba neceb. Sida uu sheegay Maxamuud Cabdilaahi Ciise waa ninka ugu riwaayada iyo heesaha badan hal-abuurkii fanka. Waxaa uu leeyahay riwaayadaha iyo heesaha ugu caansan ee loogu jecel yahay fanka. Sana...